Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Kordhinta Mushaarka Ciidamada Qalabka Sida

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso mushaarka Ciidamada Qalabka Sida, taas oo noqon doonta markii ugu horreysay muddo ka badan lix sano ah oo ciidamada loo sameeyo koror dhanka mushaarka ah.

Qorshahan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaaday dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda ciidamada, kuwaas oo door weyn ka qaata sugidda amniga dalka iyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidamo badan ayaa muddo dheer ka cabanayay mushaar yari iyo duruufo nololeed oo adag, taas oo saameyn ku yeelatay noloshooda iyo shaqadooda.

Saraakiisha la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dowladda ay waddo qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo xaaladda ciidamada, iyadoo kordhinta mushaarkana ay qeyb ka tahay dadaalladaas. Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin qadarka lacagta lagu kordhin doono ciidamada, haddana wararka ayaa sheegaya in dowladda ay dooneyso inay sare u qaaddo dhiirrigelinta iyo daryeelka askarta dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, balse waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah la shaaciyo toddobaadyada soo socda.