Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Dhismaha 12,000 Guri Oo Lagu Horumarinayo Nolosha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku xalliso baahida guryaha ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka danyarta ah iyo kuwa barakacayaasha ah.

Wasiirku wuxuu si rasmi ah u shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso dhismaha 12,000 oo guri oo casri ah, kuwaas oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan ku dhowaad 80,000 oo qof. Wuxuu sheegay in mashruucan uu yahay mid ka mid ah qorshayaasha ugu waaweyn ee dib-u-dhiska dalka, isla markaana uu qeyb ka yahay siyaasadda qaran ee lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga u ah nolosha bulshada.

Wasiir Ayub Ismail Yusuf ayaa tilmaamay in dowladda ay bixin doonto dhulka iyo dhismaha guryaha, taas oo ka dhigeysa mashruuc si toos ah uga faa’iideysan doona shacabka danyarta ah. Guryaha la dhisayo ayaa noqon doona kuwo dabaqadda dhexe ah (middle-class housing), kuwaas oo lagu qorsheeyay in ay yeeshaan adeegyo dhameystiran oo kor u qaadaya tayada nolosha dadka deggan.

Wasiirku wuxuu sidoo kale faahfaahiyay in guryaha cusub lagu dari doono adeegyo muhiim ah sida dugsiyo waxbarasho, masaajiddo, garoomo ciyaareed, iyo xarumo ganacsi, si loo abuuro deegaan isku filan oo ay bulshada ku noolaan karaan iyagoo helaya dhammaan adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha. Wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu horumarinayo magaalooyinka waaweyn iyo kuwa soo koraya ee dalka, isla markaana uu gacan ka geysan doono yareynta ciriiriga guryaha ee ka jira caasimadda iyo magaalooyinka kale.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ballaaran oo dheer oo lagu doonayo in guryo lagu siiyo tiro badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa aan awoodin inay helaan hoy ammaan ah. Wuxuu sheegay in mashruucan uu noqon doono mid waqti dheer soconaya oo si tartiib tartiib ah u daboolaya baahida guryaha ee dalka ka jirta.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashruuca guryeynta uu yahay mid muhiim u ah horumarinta bulshada iyo xasilloonida dalka, maadaama helitaanka hoy ku habboon uu ka mid yahay xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Wuxuu intaa ku daray in Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta ay si buuxda uga go’an tahay fulinta siyaasadda qaran ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha nolosha iyo dib-u-dhiska dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiir Ayub Ismail Yusuf ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan dadaallada dowladda ee la xiriira dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isagoo sheegay in mashruuca guryaha uu yahay mid fure u ah mustaqbalka magaalooyinka Soomaaliya iyo tayeynta nolosha shacabka.