Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay shirarkii maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan mucaaradka, iyada oo si rasmi ah u caddeysay in dalka uu galay marxalad cusub oo ku wajahan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay gudaneyso waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran hirgelinta nidaam dimuquraaddi ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siinaya xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan lana doorto. Dowladda ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay u gudbeyso hannaan doorasho oo ku dhisan mabda’a “Qof iyo Cod”, kaas oo shacabka siinaya awoodda ay si toos ah ugu dooran karaan hoggaankooda.
Dowladdu waxay sheegtay in dadaallada lagu hirgelinayo nidaamkan ay barbar socdeen wada-tashiyo iyo kulammo joogto ah oo lala yeeshay daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo dhageysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Sidoo kale, dowladda ayaa xustay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay wada-hadallo la yeelatay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka, kuwaas oo miiska keenay aragtiyo ay dowladdu ku tilmaantay kuwo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinku u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan Dastuurka KMG ah, shuruucda dalka iyo barnaamijka siyaasadeed ee ay dowladdu horey ugu ballanqaadday shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, dowladda ayaa mar kale ku celisay in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, iyada oo muujisay diyaar u ahaanshaha in ay sii waddo la tashiyada siyaasadeed si loo gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka iyo dowladnimada Soomaaliya.