Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay magacaabista safiirka Israa’iil ee Hargeysa iyo dhagax-dhigga dhisme safaaradeed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay safiir u soo magacawday magaalada Hargeysa, iyo sidoo kale dhagax-dhigga dhisme ay ku tilmaantay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaas, oo la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si bareer ah uga hor imaanayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay caddeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabooyinkaas u aragto kuwo aan waxba ka jirin, isla markaana aan lahayn wax saameyn sharci ah, iyadoo mar kale adkaysay in magaalada Hargeysa iyo gobolka Waqooyi Galbeed ay weli qayb ka yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah ay u baahan yihiin oggolaanshaha dowladda leh madaxbannaanida dalka, sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Waxay intaas ku dartay in aysan jirin tallaabo hal dhinac ah oo baal-mari karta shuruudahaas ama wax ka beddeli karta maqaamka sharci ee dhulka Soomaaliyeed iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinkan ay sii xoojinayaan aqoonsigii ay Israa’iil ku dhawaaqday bishii Diseembar 2025, kaas oo ay hore uga horyimaadeen Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay walaac ka muujisay saameynta ay tallaabooyinkan ku yeelan karaan amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan xilligan ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxay ka digtay in tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala-qaybsanaanta, isla markaana iska indha-tiraya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay, ay horseedi karaan xiisado hor leh oo saameeya nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo sheegtay in aanay aqbali doonin tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.