Qoraal kazoo baxay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaalia ay soo dhaweeynayso dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Maamulka Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.
