Dowladda Soomaaliya oo war ka Soo Saartay muuqaal ku baahay oo muujinaya hooyo ku hor foolanaysa isbitaalka Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta si deg deg ah u booqday Isbitaalka Banaadir kadib muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay oo muujinayay hooyo Soomaaliyeed oo ku foolaneysa bannaanka hore ee isbitaalka, taasoo si weyn u gilgishay bulshada.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday muuqaalkan, wuxuuna ballan qaaday baaritaan deg deg ah iyo in lala xisaabtami doono cidda ku eedeysan dayaca hooyadaasi Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale xusay in la sameynayo guddiyo kormeer iyo dabagal ah, kuwaasoo qiimeyn ku sameyn doona howlaha Isbitaalka Banaadir, iyo guud ahaan adeegyada hooyada & dhallaanka ee xarumaha caafimaadka dowladda.

Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin xooggan oo baraha bulshada ah, iyadoo dad badan ay muujinayaan dareen murugo iyo caro leh, kana dalbanaya dowladda in ay daryeesho hooyooyinka Soomaaliyeed gaar ahaan marka ay u baahan yihiin daryeel caafimaad deg deg ah.