Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay Dagaaladii Maanta dhacay…

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Dadka Deegaanka ayaa maanta si wayn cadowga Khawaarijta ah ugu jabiyay isku dayo la fashiliyay oo Khawaarijtu ay ku soo qaadeen goobo ku yaalla Dowlad Goboleedka Hirshabeelle weeraro nafla caari ah.
In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Caddow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, deegaanka Ceel Cali Axmed iyo degmada Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.
Geesiyaasha Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku dayada nafla caariga ah ee Khawaarijta ayaa mid kasta sidii loo qorsheeyay u burburiyay, waxaana hadda yaalla goobaha ay ka dhaceen hawlgallada meydadka Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal.
Inta ay socdeen hawlgalladaan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka, kuwaasi oo ay wateen Khawaarijtu.
Dowladdu waxay wali tirakoobaysaa khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee cadowga lagu gaarsiiyay hawlgallada guulaystay ee maanta lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhawaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay.
May be an image of text that says "DEG CIIDANKA LAGU JABIYAY KHAWAARIJTA SIDA FULIYAY SHABEELLE Muqdisho Febraayo 2025: Ciidanka Qaranka Deegaanka ayaa maanta wayn cadowga jabiyay fashiliyay Khawaarijtu yaalla Dowlad Goboleedka HirShabelle Geesiyaasha badan hawlgallo soo qaadeen goobo nafla caari tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta lagu hortag Ciidamada Qaranka geesiyaasha dadka jebiyeen cadowga, tirsan Gobolka Hiiraan iyo degaannada Ceel Shabeellaha Geesiyaasha maydadka Khawaarijta Ciidanka Qaranka oo sii hayey xogta isku ayaa mid kasta sidii yaalla goobaha dhaceen hawlgalada jiraan horjoogayaal. dayada nafla Inta ay socdeen hawlgaladan sidoo sidoo lagu burburiyay gaadiid wateen kale furtay hub dagaalka kuwaasi waxay cadowga gaarsiiyay hawlgalada guulaystay fashiliyay dhagarta cadowga, wararkii ugu maanta"