Dowladda Taliyaaniga oo xirtay dekado ay ka soo degi jireen muhaajiriinta

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 600 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga.

Mr Salvini, oo hogaamiya xisbiga garabka midig ayaa warqad u qoray maamulka jasiirada Malta isaga oo ka codsaday in markabkaasi uu ku soo xirto Valletta,oo ah caasimada Malta.

Balse xukuumadda Malta ayaa sheegtay in hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo SOS ay muhaajiriintan ka soo qaaday biyaha dalka Liibiya islamarkana sharciyan ay hoos imaanayaan Taliyaaniga.

Hay’adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in tiro muhaajiriin ah ay soo badbaadiyeen ka dib markii doontii ay la socday ay badda dhexdeeda ku jabtay.

33,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalalka Yurub sanadkan iyaga oo sii maray badda.