Dowladda Turkiga Oo Soo Sagootisay Markab Shidaal-Qodis Oo Ku Soo Wajahan Xeebaha Soomaaliya

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna, tallabadaas ayaa qeyb ka ah fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkey.
Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa maanta ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo masuuliyiin kale, dhanka Turkiga masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.