Dowlda Turkiga Oo Sheegay In Soomaaliya Lagu Haayo Cadaadis Ka Dhashay Mowqif Ay Qaateen

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka.

Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro.

Wasiir Molud Oglo, ayaa ku baaqay in la xurmeeyo midnidada iyo madaxbanaanida dalalka.

Dalalka Carabta iyo Islaamkana ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah.