Dukheyn Ka dhacday G/bari

Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado degmada Iskushuban ee ggobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab

Duqeynta ayaa ka dhacday nawaaxiga tuuladaasi Timirshe oo ay ku sugan yihiin Daacishta ku sugan degaanada maamulka Puntland.

Dadka degaanka ayaa sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig ay leeyihiin Daacish waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan  Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.