Duqa Beledweyne Oo Gabar loo Magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali caadle ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Duqii degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax,iyada oo duq Cusub loo Magacaabay degmada Baladweyne.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka duqa degmada loogu Magacabay Haweeney lagu Magacaabo Safiyo Xasan Sheekh Cali taas oo bedeleysa duqii hore ee degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax.

Sababaha xilka looga qaaday duqii hore ee degmada Baladweyne ayaa lagu sheegay inay timid baahi loo qabo in isbedel la sameeyo,hayeeshee aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Haweeneyda loo Magacaabay Duqa degmada Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.