Duqa Beledweyne Oo Xilkii laga qaaday

Wareegto ka soo baxaday xafiiska wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa Nadar tabaax Maalin loogu magacaabay Duqa Magaalada Beledweyne.

Waxaa sidoo kale xilka Duqa magaalada Beledweyne looga qaaday safiya Sheikh xasan Jimcaale oo xilkaasi heysay mudo sanad iyo Bilooyin ah.

Safiyo ayaa aheyd Haweeneyd ugu horreysay noqotay duqa degmada Beledweyne.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa si deg deg ah ku amray in ay xilka kula wareegto duqa Cusub ee Magaalada Beledweyne.