Duqa Caasimada Muqdisho Yuusuf (Madaale) oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socda Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socda Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika “East African Community” oo maalmahaan Muqdisho u joogay howla shaqa.

Munaasabadan soo dhaweynta ah waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahaan sare ee Aqalka Dowladda Hoose lagu soo dhaweeyay ayaa mudda Todobaad ah Muqdisho u joogay si ay u qiimeeyaan u diyaargarowga in Soomaaliya ay ku biirto ururka EAC, oo ku mideysan yihiin Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Goobta soo dhaweynta ka socotay ayaa lagu soo bandhigay waxyaaba ka turjumaya astaamaha dhaqankeena suuban ee Soomaalida, gaar ahaan Aqal Soomaaliga, Dharka hidaha iyo dhaqanka, Ciyaara dhaqmeed iyo Cuntooyinka Wadaniga ee uu dalkeena Hodanka ku yahay.