Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb, mudane Cabdiraxman Cali Maxamed, Geeda (Qoroow) ayaa booqasho uu ugu kuurgalayay xaaladaha ay ku suganyihiin maanta ku tagay kaamka Ammaano, oo ay ku nool yihiin boqolaal shacabka oo ka soo hayaamay deegaanno badan oo dhaca bariga Caasimadda Dowladda Galmudug.
Dadkaan ayaa ilmahooda kala soo guuray deegaanada wili joogaan Ururka AS, iyagoo la soo baadi goobay nolol ka wanaagsan middi ay ku sugnaayeen, sida waxbarasho, caafimaad,amni, nabad iyo IWM, ugu heli lahaayeen naftooda iyo midda caruurtooda.
Guddoomiyaha maamulka Caasimadda, ayaa Warbixin ku saabsan xaaladaha ay ku suganyihiin dadka ku nool kaamka Ammaano ka dhageystay horjoogayaasha kaamka, ayaa ugu baaqay dadka Muslimiinta ah ee wax heysta, kuwa aan Muslimiinta eheen ee bani’aadanimada wax ku bixiya in ay soo caawiyaan dadkaan Wallaalahood ah ee maanta garabka ugu baahan.
Guddoomiyaha maamulka Caasimadda mudane Cabdiraxman Cali maxamed, ayaa ugu danbeyn ugu baaqay shacabka reer Galmudug meel waliba ay joogaan iyo dad muxsiniintaa ee jacel wanaagga iyo ay wax labaxaan, caruurta kaamka ku jirta laga caawiyo dharkii ay ku Ciiddi lahaayeen si farxadda caruurta kale ay dareemayaan ay qeyb kaga noqdaan, maadaaba ciidweyntii Muslimiinta maalmo kooban naga xiggaan.
