Duqa Muqdisho Hassan Mohamed Hussein Muungaab oo Taageero Lacageed Joogto ah u Ballanqaaday Dugsiga Agoonta Kaaraan

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ciid-siin iyo taakuleyn gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan oo lagu barbaariyo ku dhawaad sedex boqol oo ardey ah, Asigoona ku dhawaaqay in laga bilaabo bisha April uu Dugsiga heli doonno taageero lacageed oo joogto ah.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan barbaarinta iyo xanaaneynta ardeyda agoonta, waxa uu xusay in dowladda hoose ee xamar uu xil ka saaran yahay adeegyada aas-aasiga ah, ay hadana si gaar ah ugu warqabi doonaan dadka baahiyaha gaarka qaba, taasi oo qeyb ka ah fulinta dardaaranka Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horey u bilaabay taageerida Dugsiga Agoonta Gabdhaha Boondheere, iyadoona Dugsigaan Agoonta Wiilashada Kaaraan uu qeyb ka noqonaayo Dugsiyada taageerida dhaqaale k helo Maamulka G/Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.