Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Axad ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan wadatashi ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda iyo hoggaanka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinka shacabka ee la xiriira arrimaha dhulka, gaar ahaan dhulalka gaarka loo leeyahay, dhulalka danta guud iyo goobaha loo yaqaan Obasiibooyinka, xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan dadaallo ay dowladdu ku doonayso dib-u-habeyn iyo nidaamin dhulka danta guud.
Intii uu kulanku socday, waxaa la is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sida loo maareyn karo arrimaha dhulka, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda muwaadiniinta, sharciga, maslaxadda guud iyo danta bulshada Soomaaliyeed.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay talooyinka iyo aragtiyada ay Culimada Soomaaliyeed ka dhiibteen arrimaha dhulka gaarka loo leeyahay. Maamulka ayaa caddeeyay in ilaalinta milkiyadda gaarka loo leeyahay ay tahay arrin mudnaan gaar ah u leh, isla markaana aan la oggolaan doonin in si sharci-darro ah loogu xadgudbo dhul ay si gaar ah u leeyihiin shacabka.
Sidoo kale, Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa qiray in dowladda ay leedahay xaq sharci ah oo ay ku maamusho, ku bixiso, kuna dib-u-qaabayso dhulka danta guud iyo Obasiibooyinka, iyadoo mar walba la ilaalinayo maslaxadda guud, lana tixgelinayo xaaladda iyo duruufaha dadka danyarta ah.
Culimada ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah siisay in arrimaha dhulka lagu maareeyo hannaan caddaalad iyo wada-tashi ku dhisan, si looga fogaado in ay soo baxaan khilaafaad iyo tabashooyin bulshada dhexdeeda ah.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in uu mar walba diyaar u yahay dhageysiga cabashooyinka muwaadiniinta iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha la xiriira dhulka. Waxaa arrimahaasi u xilsaaran guddiyo heer Maamul ah, oo ay ka mid yihiin Guddiga Xalinta Khilaafaadka Dhulka, iyo guddiyo kale oo ay qeyb ka yihiin Culimada Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan wadajir ah oo lagu xallinayo cabashooyinka shacabka, iyadoo la isku waafajinayo sharciga, shareecada Islaamka iyo danta guud ee bulshada.
Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn isla qaatay in la joogteeyo wada-tashiyada iyo iska-war-qabka dhinacyada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta loogana shaqeeyo xal waara oo ku saabsan arrimaha dhulka.
Dhinacyada ayaa sidoo kale isku raacay in dhammaan dadaallada la xiriira maareynta dhulka lagu saleeyo danta Diinta, dadka iyo dalka, iyadoo la dhowrayo xuquuqda muwaadiniinta, ilaalinta hantida gaarka loo leeyahay iyo maslaxadda guud ee bulshada.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan doodo iyo cabashooyin la xiriira dhulka, waxaana la filayaa in wada-shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Culimada Soomaaliyeed ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa arrimahaas.