Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kormeer qiimeyn ah ku tegay Wadada Shiirkole Ofishiyaale, oo ah waddo muhiim ah kuna taalla Degmada Hodan, iskuna xirta Wadooyinka Soddonka iyo Wershadaha. Wadadan oo aan tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka sanadkii 1991-kii; helin wax dayactir ah, ayaa kormeerkeeda daarnaa qiimeyn la xiriirta baahida dib-u-dhis iyo casriyeyn dhawaan lagu samaynayo.
Intii uu kormeerku socday, Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa sidoo kale indho-indheyn ku sameeyay waddooyinka interloogga ah ee xaafadda Shiirkole Ofishiyaale, Degmada Hodan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata isu socodka bulshada iyo gaadiidka gudaha xaafadaha.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay horumarinta, dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda, si loo xoojiyo isu-socodka, amniga iyo bilicda guud ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha waxaa kormeerka ku wehlinayay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Xasan (Macallin Mahdi).