Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa khamiista maanta ah xarigga ka jaray suuq cusub oo laga hirgeliyay Afar Irdoodka Xamar Weyne, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada ganacsi, bilicda suuqa, iyo nolosha bulshada deegaanka.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa xusay in suuqan cusub iyo mashaariicda la midka ah ay ka dhasheen dadaallada dowladda hoose ee Muqdisho ee ku aaddan horumarinta adeegyada ganacsi, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo oo waxtar u leh bulshada caasimadda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa carrabka ku adkeeyay in horumarka iyo tartanka suuqyada casriga ah iyo mall-ka laga hirgelinayo Muqdisho ay ka dhasheen hoggaaminta wanaagsan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo dhiirrigelisay horumar waara oo ka dhex muuqda magaalooyinka dalka.
Suuqan cusub ayaa la filayaa inuu noqdo mid istiraatiiji ah oo ganacsatada yaryar, kuwa waaweyn iyo adeegtayaashuba ka faa’iidaystaan, iyadoo maamulka gobolka uu ballan qaaday inuu sii wadi doono horumarinta suuqyada kale ee Muqdisho, si loo sii joogteeyo in magaaladu ahaato mid casri ah oo leh adeegyo dhammaystiran, nabad iyo bilicna leh.