“Duqa Muqdisho Muungaab oo xarigga ka jaray Waddada Imaamu Shaafici ee Degmada Hodan.”

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarriga ka jaray waddo cusub oo laga hirgeliyay Degmada Hodan, oo loogu magacdaray Imaamu Shaafici.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waddadaas dhir ku beeray taasi oo qeyb ka ah qorshaha dhireynta Caasimadda, waxa uuna sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doonno horumarinta iyo dib-u-dhiska kaabayaasha, asigoo bulshada ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan illaalinta bilicda, bixinta canshuuraha iyo la shaqeynta laamaha amniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka digay ku xad-gudubka nidaamka laga soo saaray waddooyinka Magaalada Muqdisho ee ku aadan in aan la jeexi karin, isla markaana hareeraha waddooyinka laamiga ah aan laga qodi karin wax boosaneero ah, xilligaanna ay u xeran yihiin dad ku xad-gudbay awaamiirtaasi oo sharciga lala tiigsan doonno.
Munaasabadda xarrig jarka waddada cusub ee Imaamu Shaafici waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada Degmada Hodan.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—