Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc horumarineed oo ballaaran oo loogu magac daray Dream Garden (Beerta Riyada), kaas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dhinaca maalgashiga, horumarinta magaalooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha ee laga hirgelinayo caasimadda Muqdisho.
Mashruucan oo leh naqshad casri ah ayaa ka kooban xarun ganacsi oo casri ah (Mall), xaafado degaan oo casri ah (Real Estate), xarumo adeegyo ganacsi, goobo madadaalo iyo beer dalxiis, kuwaas oo la filayo inay si weyn u beddelaan muuqaalka deegaanka laga hirgelinayo, isla markaana sare u qaadaan adeegyada ay helaan shacabka.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in mashruuca Dream Garden uu laf-dhabar u noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo koboca dhaqaalaha Muqdisho, casriyeynta kaabeyaasha magaalada, kor u qaadista bilicda caasimadda iyo abuurista boqolaal fursadood oo shaqo oo ay ka faa’iideysan doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee bulshada.
Waxa uu tilmaamay in hirgelinta mashruucan ay muujineyso sida ay Maamulka Gobolka Banaadir uga go’an tahay fulinta qorshaha dib-u-habeynta iyo casriyeynta magaalada Muqdisho, si ay u noqoto caasimad casri ah oo la jaanqaadi karta magaalooyinka horumaray ee gobolka iyo caalamka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobta laga hirgelinayo mashruucan ay ka mid ahayd dhulalkii danta guud ee maamulka dib ugu soo celiyey gacanta dowladda, kadib dadaallo lagu soo celinayey hantida qaranka. Waxa uu xusay in dhulkaas si waafaqsan shuruucda dalka loogu sharciyeeyey muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalgashi ku sameynaya mashaariic waaweyn oo bulshada iyo dalka wax weyn u taraya.
Dr. Muungaab ayaa carrabka ku adkeeyey in maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha, isaga oo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dib-u-dhiska dalka. Wuxuu intaa ku daray in maamulka uu sii xoojin doono iskaashiga kala dhexeeya maalgashadayaasha si loo abuuro jawi ammaan ah oo fududeynaya hirgelinta mashaariic horumarineed oo waaweyn.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mashaariicda noocan oo kale ahi ay kordhinayaan kalsoonida maalgashadayaasha, isla markaana ay sare u qaadayaan dakhliga dowladda hoose, kobcinayaan ganacsiga, dhiirrigelinayaan dalxiiska gudaha, isla markaana ay gacan ka geysanayaan horumarinta adeegyada bulshada.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laba jiho ah oo laga hirgeliyey isla deegaanka uu ka socdo mashruuca Dream Garden. Waddadan cusub ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee maamulka gobolka ee lagu dhisayo laguna casriyeynayo waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, si loo fududeeyo isu socodka gaadiidka iyo dadka, loona yareeyo ciriiriga ka jira magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ganacsato, maalgashadayaal, injineerro, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhagax-dhigga iyo xarig-jarka. Ka qeybgalayaashu waxay soo dhaweeyeen mashruuca, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka beddeli doona muuqaalka Muqdisho, isla markaana kor u qaadi doona horumarka dhaqaale iyo maalgashiga caasimadda.
Mashruuca Dream Garden (Beerta Riyada) ayaa la filayaa inuu noqdo astaan cusub oo ka tarjumeysa dib-u-dhiska iyo horumarka Muqdisho, iyadoo marka la soo gabagabeeyo uu bixin doono adeegyo casri ah oo dhinacyada ganacsiga, degaanka, madadaalada iyo dalxiiska ah. Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu abuuro boqolaal shaqooyin toos ah iyo kuwo dadban, taasoo door muhiim ah ka qaadan doonta koboca dhaqaalaha iyo horumarka guud ee caasimadda Soomaaliya