Duqa Muqdisho oo hortagay Guddiga Amniga iyo Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, guddiga Amniga iyo Arrimaha gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddiga warbixin dhameystiran ka siiyay Xaalada magaalada Muqdisho iyo howlaha shaqo ee maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna sidoo kale kala hadlay Qorshaha dhameystirka Dastuurka dalka oo xuquuqda matalaad ay ugu maqan tahay shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Guddiga Amniga iyo Arrimaha gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wax ka waydiiyey waydiimo ku saabsan amniga caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqay dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo muhiim u ah jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya.