Duqa Muqdisho Oo Jabuuti Kaga Qeyb Galaya Shir Caalami Ah

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas Maxamed Cali Nuur.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.8

Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa.