Duqa Muqdisho oo Ka Qayb-galay Munaasabad Lagu Taageerayay Ololaha Nadaafadda Xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa fiidnimadii xalay ka qayb galay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada hormuudka u ah ololaha nadaafadda xeebaha Muqdisho, taas oo lagu muujinayey kaalinta muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ku leeyihiin ilaalinta deegaanka, kor u qaadidda bilicda caasimadda iyo dhiirrigelinta dhaqanka iskaa wax u qabso.

Guddoomiyaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay dhallinyarada dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta nadaafadda xeebaha, isagoo sheegay in ololahoodu uu xambaarsan yahay mas’uuliyad qaran isla markaana uu ka tarjumayo wacyiga bulshada iyo dareenka lahaanshaha caasimadda Muqdisho.

Dr. Muungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii xoojin doono taageerada uu u fidiyo barnaamijyada ay hormuudka ka yihiin dhallinyaradu, isagoo xusay in dadaallada noocan oo kale ahi ay laf-dhabar u yihiin himilada lagu dhisayo caasimad nadiif ah, bilicsan, deegaan ahaan badbaado leh, isla markaana dib u soo ceshata sumcaddii iyo maqaamkii ay Muqdisho ku lahayd caasimadaha gobolka iyo caalamkaba.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho, inay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda deegaanka, maadaama ay nadaafaddu saldhig u tahay caafimaadka bulshada, horumarka magaalada iyo soo jiidashada maalgashiga.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Federaalka, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xoghayaha Guud ee Gobolka Marwo Bilan Bile Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameerika), Agaasimayaal heer gobol, Guddoomiyeyaal degmooyin iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii ka qayb gashay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyey doorka ay dhallinyaradu ka qaadanayaan ilaalinta nadaafadda xeebaha Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid mudan in lagu daydo, isla markaana gacan ka geysanaysa dhismaha caasimad qurux badan, nadiif ah oo waarta.