Duqa Muqdisho oo Kormeeray Deegaanka Xaaji-Cabdi

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir u qorsheeyey in dib-u-dejin loogu sameeyo shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda Muqdisho.

Deegaanka Xaaji-Cabdi ayaa kamid ah goobaha loo qorsheeyey in lagu dejiyo qoysaska guryahooda ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta iyo qorshayaasha dib-u-habaynta iyo casriyeynta magaalada. Maamulka ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe lagu doonayo in casriyeynta Muqdisho ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.

Deegaanka ayaa dhawaan laga xarig-jarey Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, kaas oo loogu talagalay carruurta qoysaska ku nool deegaanka iyo bulshada ku hareeraysan. Sidoo kale, waxaa deegaanka laga hirgeliyey adeegyo aasaasi ah oo ay kamid yihiin biyo iyo koronto, iyadoo qorshuhu yahay in mustaqbalka lagu daro suuq, masaajid iyo rug caafimaad.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qorshaha dib-u-dejinta shacabka loo fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo faraya in dadaallada lagu casriyeynayo Caasimadda ay la socdaan ilaalinta xuquuqda iyo karaamada dadka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu iibiyey 1,058 boos oo dhul ah, kuwaas oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta. Dhulalkan ayaa si lacag-la’aan ah loogu wareejinayaa qoysaska guryahooda ay ku soo aadeen jidadka laga bixinayo xaafadaha isku-raranka ah.

Waxa uu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in xal waara loogu helo qoysaska ay saameeyeen mashaariicda horumarinta iyo ballaarinta waddooyinka magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in qorshaha dib-u-dejinta la sii ballaarin doono, iyadoo dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaleey, si loo dejiyo qoysas kale oo ay saameeyeen howlaha jid-bixinta iyo dib-u-habaynta Caasimadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo sidii qoysaska laga rarayo goobaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed loogu heli lahaa deegaanno leh adeegyo aasaasi ah.

Kormeerka uu Duqa Muqdisho ku tegay deegaanka Xaaji-Cabdi waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Agaasimayaal ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu dhisayo 10,000 oo guri, kuwaas oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mashruucan uu qeyb ka noqonayo dadaallada lagu xoojinayo helitaanka guryo iyo adeegyo nololeed oo ku habboon