Duqa Muqdisho oo Kulan la Qaatay Safiirka Talyaaniga u Jooga Soomaaliya

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho yuusuf madaale ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada talyaaniga u fadhiya soomaaliya
masuuliyiinta ayaa kulankaan uga hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqaynta kadhaxaysa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamhuuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi,  kulankan ayaana waxaa  goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargalinta mashaariicda ay dowladda talyaaniga ka fulinayso soomaaliya oo ay uga qayb  qaadaneyso horumarinta Caasimadda dalka ee muqdisho  gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa kormeer socod ah ku tagay dhismaha taalada darjiinka Arbaca Rukun iyo xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.
Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah dowlada soomaaliya ka taageera arimo badan sida tababarka ciidamada dhinacyada mashaariicda hormarineed iyo arimo kale