Duqa Muqdisho oo Maamulka & Shacabka Shangaani ugu baaqay sare u qaadista amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Shangaani usoo jeediyay in ay kordhiyaan tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga Degmadaas iyo iskaashiga labada Dhinac.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ay indha-indhayn ku samaynayaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo qiimeeyo heerka nabadgalyada ka gaarsiisan yihiin si loo xoojiyo xasiloonida iyo kala dambaynta sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiinta Degmooyinka maamula ee Gobolka Banaadir ayuu Duqa Muqdisho ugu baaqay in xabka keliya lagu gaari karo amni uu yahay wadashaqaynta Hay’adaha Amniga iyo Shacabka oo si dhow ula socon kara xogta qofka xasilooni darrada ka shaqaynaya.

Fariin kale oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale u diray Dadka leh guryaha dumay ee aanay dib u dhiska lagu samayn in dib loo dhiso si bilicda iyanna usoo hagaagto.

Kulankii ugu dambeeyay ee looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho oo shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maamulka Gobolkaan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka la faray xoojinta nabadgalyada.