Duqa Muqdisho oo Qaabilay Duqa Magaalada Bristol ee Ingiriiska

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, Mudane Yaasiin Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada magaalo, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada maamulka dowladaha hoose, adeegyada bulshada iyo horumarinta magaalooyinka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale is dhaafsaday khibrado ku saabsan hababka maamulka iyo maareynta dowladaha hoose, qorsheynta magaalooyinka, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo iskaashi oo labada magaalo ah.

Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa soo bandhigay howlaha iyo adeegyada uu Maamulka Gobolka Banaadir u qabto shacabka ku nool caasimadda, isagoo tilmaamay dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, nadaafadda, bilicda magaalada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale, Duqa Magaalada Bristol, Mudane Yaasiin Maxamuud, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo is-dhaafsiga khibradaha u dhexeeya Muqdisho iyo Bristol, gaar ahaan dhinacyada maamulka magaalooyinka iyo adeegyada bulshada.

Intii uu ku guda jiray booqashada Muqdisho, Duqa Magaalada Bristol ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah xafiisyada iyo waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir, halkaas oo uu ugu kuurgalay habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan iyo adeegyada ay Dowladda Hoose ee Muqdisho u fidiso bulshada.

Booqashada ayaa sidoo kale fursad u noqotay in la is dhaafsado aragtiyo ku saabsan caqabadaha haysta magaalooyinka iyo xalalka laga gaari karo, iyadoo laga wada hadlay sidii khibradaha iyo aqoonta labada dhinac loogu adeegsan lahaa horumarinta adeegyada iyo maamulka magaalooyinka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada magaalo iyo raadinta fursado cusub oo iskaashi, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo horseedi karta horumar iyo adeegyo wanaagsan oo bulshada loogu adeego.