Duqa Muqdisho oo Shacabka Gubadlay ka dalbaday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Shacabka Deegaanka Gubadlay ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha waddooyinka Deegaankaas.

Iskaashiga Shacabka iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayuu ku tilmaamay in lagu dhisi karo Laamiyaal waa wayn oo nacfi fiican u leh Deegaanka Gubadlay ee rejada ka qabta in lagu daro Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho dib u dhis lagu sameeyay halka waddooyin aanay horay u ahayn laami haatan laga dhisayo taasina ay ku timid iskaashiga Shacabka degen iyo Maamulka uu Guddoomiyaha u yahay.

Waxa uu ballanqaaday in wax isku darsiga dhankooda ay qayb ka yihiin sidaas awgeed caqabadda aanay waxba suuragelinayn ay tahay in dadku gacmaha ka laabtaan howshaan iyaga oo ku halaynaya Dowladda oo keliya waa sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanno, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale ayaa u xusul-duubaya in Deegaanka Gubadlay loo aqoonsado Degmo si ay safka ula soo gasho Degmooyinka Gobolka Banaadir maadaama sanadihii u dambeeyay horumar muuqda uu samaynayay Deegaankaan.