Duqa Muqdisho Oo Shir Gudoomiyay Kulan looga Hadlayo Amaanka Caasimada

Magalada muqdisho waxaa xalay markale ka qabsoomay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda,waxana ka qeyb galay mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa waxaa ka qeyb galay,guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayay dardar gelinta Amniga Magalada muqdisho, iyada oo siweyn la iskula gorfeeyay,sidii loo xoojin lahaa sugida Amniga Magalada Muqdisho oo mararka qaar ay falal Amnidarro ka dhacaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa mas’uuliyiinta Hay’daha Amniga faray in la xoojiyo sugida Amniga,isla markaana ay Ciidamada kordhiyaan howlgallada.

Mudooyinkii u dambeeysay ayaa waxaa Magalada muqdisho ka dhacayay kulamo looga hadlayay dhinaca Amniga,hayeeshee mararka qaar ay dhacaan falal lidi ku ah Amniga iyo qarax khasaaro badan geysta.