Duqa Muqdisho oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Hodan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo.

Guddoomiye Cantoobo ayaa durba loo magacaabay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada gobolka Banaadir oo maanta uu baneeyay xilkaasi Saalax Xasan Cumar oo loo magacaabay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Inta laga soo magacaabayo Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa sii heynaya ku-xigeenka Guddoomiyaha degmadaasi, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Maalmahan ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in xilka laga qaadayo qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyada oo xilalkaasi loo magacaabayo dhalinyaro yar yar oo wax ku baratay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Dhawaan ayaa isbedel lagu sameeyay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Guddoomiye Waaxeedyada degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa oo ku yaalla Waqooyiga Muqdisho.