Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday deegaanka Ceel-lahelay iyo agagaarkiisa oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Galmudug iyo dowladda dhexe oo ku aadan weerarkaas dhanka cirka ah ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan lagu garaacay Ceel-la helay ayaa daba socoto dagaal culus oo shalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhex-maray deegaankan, kaas oo la’isku riiqmay, isla-markaana gaystay khasaare lixaad leh oo soo kala gaaray labada dhinac.
Sidoo kale waxaa shalay weerar is-miidaamin ah oo lagu beegsaday madaxweyne Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale uu ka dhacay deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug.