Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay fuliyeen duqayn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, meel ku dhow magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland.
Duqaynta ayaa ka dhacday deegaan qiyaastii 60 km u jira Boosaaso, waxaana AFRICOM ay sheegtay in howlgalka lagu taageerayay ciidamada dowladda Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda waqooyiga Soomaaliya.
Warka AFRICOM laguma faahfaahin tirada xubnaha la beegsaday, magacyadooda, ama in ay jiraan khasaarooyin soo gaaray shacabka deegaanka.
Maraykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgallada ay ka wadaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay diiradda ku saarayaan Al-Shabaab, halka Waqooyiga Soomaaliya ay ka beegsanayaan kooxda Daacish.