Weerar duqayn ah ayaa lagu qaaday saldhig ay Ciidamada Maraykanka ku leeyihiin Galbeedka dalka Ciraaq, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, iyo khasaare maaliyadeed, sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku dhow oo ka warbixiyay dhacdadan.
Intii uu socday weerarku, waxaa la maqlayay dhawaaqyo qaraxyo ah oo ka dhacayay agagaarka xerada iyo askartii oo u kala cararaysa meelaha ay u arkaan inay gabbaad ka heli karaan, sidaas waxaa laga soo xigtay ilo xog ogaal u ah arrintan.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in rag hubaysan ka dambeeyeen weerarkaas, balse ay ka bixin doonaan jawaab ka dhan ah kooxahaas, sida hadalka loo dhigay.
Xubno badan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Maraykanka ee jooga Galbeedka Ciraaq ayaa lagu wadaa in la marsiiyo baaritaan caafimaad dhanka maskaxda ah, kaddib markii ay saamayn taban kala kulmeen duqaymaha is-daba-joogga ah.
Ciraaqiyiintu waxay cadaadis ku saarayaan Maraykanka inuu ciidamadiisa kala baxo dhulkooda, taasina waa sababta loo arko in tallaabooyinkaas duqaymaha ah loola jeedo in lagu cadaadiyo Washington si ay ciidamadeeda uga saarto Ciraaq.”