Duqey ka dhacday Jubbada Hoose

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Duqeyn Diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday meel 25-KM dhanka Galbeed kaga beegan degaanka Kaamjiroon oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Goblolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan oo ay fuliyeen Diyaarado Drones ah ayaa waxaa lala beegsaday Hal Qoys oo deganaa degaanka ku dhaw Kaamjiroon, waxaana lagu dilay Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Afar qof oo kale, oo dhammaantood ah shacab.

Dadka Duqeynta ku dhaawacmay ayaa waxaa dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka Magaalada Ksimaayo, waxayna isugu jireen Hooyo, Laba caruur ah oo ay dhashay iyo Nin Da’ah.

Xildhibaan Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah xildhibaanada ka soo jeeda dhanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay halka Duqeynta ay ka dhacday in aysan ka akdhaweyn saldhig Shabaab, balse aysan garaneyn sababta loo beegsaday dadkan rayidka ah.

“Duqeynta waxay ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo, dad shacab ah ayaa lagu laayay, sida aad aragteen dhaawacooda waxaa la keenay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, Duqeymaha dadka lagu leynayo way soo bateen Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaan kala hadli doonaa, si uu u yimaado isla xisaabtan.” Ayuu ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da.

Diyaaradaha dagaalka ayaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxa ay ku fuliyaan duqeymo ay la eegtan fariisamaha Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka, balse mararka qaar ayaa waxaa dhacda in Howlgalkooda ay khasaare ku gaarsiiyaan dadka shacabka ah.