Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, waxayna si gaar ah uga dhacday duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan cirka ah lagu beegsaday laba saldhig oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin aagga magaalada Galcad, isla markaana lagu gaasiiyay khasaare lixaad leh, sida ay hadalka u dhigeen.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay si wadajirka u qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.