Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo maanta ka dhacday degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.
Duqeynta ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, sida ay shaaca ka qaaday dowladda Soomaaliya.
Warsaxafaadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu guuleystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
“Howlgalka oo ahaa duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka,
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in duqeyntaan aysan wax waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kuntuwaarey ee Shabeelaha Hoose.