Duqeyn Ka Dhacday Afganistan

Saraakiisha Deegaanka ayaa sheegay in Duqeyntaasi lala maaganaa Taliye ka tirsan Maleeshiyadda Daalibaan oo lagu magacaabo Shariif Maawiya.

Duqeyntaasi oo ka dhacday Gobalka Kunaar ee Bariga dalkaasi, ayaa waxaa lagu dilay 22 qof oo rayid ah,waxaana kamid ahaa 12 carruur ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Kunaar, C/sataar Mirzakwal waxa u usheegay in Hwalgalkaasi lagu dilay 38 Maleeshiyo oo ay ku jireen 4 dagaalyahan oo Ajaaniib ahaa.