Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka gaysteen qaybo kamid ah koonfurta gobolkaasi oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Shabaab.
Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha ay ka gaysteen howdka u dhexeeya deegaanada Caad iyo Cadaley ee koonfurta gobolka Mudug.
Warararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta oo dhacday saaka aroortii hore lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, kuna diyaarinayeen qaraxyo.
“Howlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya oo iska Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasii raaiyay “Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabab”.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guula ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay waxaa Al-Shabaab laga saaray deegaano iyo degmooyin ku yaalla gobollada dhexe, kadib dagaallo culus oo ka dhacay deegaanada maamulka Galmudug.