Duqeyn lala beegsaday goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Duqeyntan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanayaa ciidamada Xoogga dalka ayaa si gaar aha uga dhacday duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegay in weerarkan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab isku uruursaayeen oo ku yaalla deegaanka Jicibow oo qiyaastii 20 KM u jira degmadaais, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kooxda kasoo saaray duqeyntaas.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen maleeshiyaad iyo hoggaamiyeyaal ku sugnaa goobta la duqeeyay, balse ma shaacin tirada rasmiga ah iyo magacyada xubnaha lagu dilay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jicibow, isla markaana gaadiid iyo hub laga gubay, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.