Duqeyn xalay ka dhacday gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay saq dhexe ka dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo.

Warar madax banaan oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ay dhawr mar ku laabteen goobahaasi oo la sheegay inay fariisimo ku lahaayeen Ururka Al Shabaab.

Korneel Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay goobta la bartilmaameedsaday inay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid yahay taliyaha amniyaadka Al Shabaab ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay Korneel Cabaas duqeyntan inaanay jirin khasaare dad shacab ah ka soo gaaray, taasi bedelkeeda ayuu tilmaamay inay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

“Duqeyntu waxay aheyd mid lala eegtay kooxaha nabad-diidka Al Shabaab, waxaan ognahay inaanay dhib gaarin shacabka, balse waxaa lala beegsaday nimanka cadowga ah, dhimasho iyo dhaawac ayaa ku gaaray, goobta la bartilmaameedsaday waxaa ku sugnaa taliyaha amniga gobolka Gedo ee Shabaab”. Ayuu yiri Korneel Cabaas Gurey.

Illaa hadda ma cadda dhimasho iyo dhaawac khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, inkastoo Warbaahinta Shabaab ay sheegayso dad rayid ah in duqeyntaasi waxyeelada ugu badan ka soo gaartay.