Duulimaadyadii Itoobiya Iyo Eritrea Oo Maanta Dib U Billaabanaya

Maanta waxa dib u bilaabmaya isku socodkii duulimaadyada diyaaradihii u kala gooshi jiray magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara.

Duulimaadkii ugu horreeyay muddo 20 sano ah ayay maanta diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ay la socdaan warfidiyeenno badani waxay ku tegi doontaa garoonka Asmara.

Arrintani ayaa ka dhalatay dedaaladii dib u heshiisiinta ahaa ee labada dal qaateen iyo booqashooyinkii lama filaanka ahaa ee labada hoggaamiye ku kala tageen labada dal.

Horraantii todobaadkan ayuu madaxweyne Isais Afwerki booqasho ku tagay Addis Ababa, waxa uuna xilligii uu halkaasi joogay uu dib u furay safaaradii dalkiisu ku lahaan jiray Addis Ababa oo 20 sano xidhnayd.

Eritrea ayaa ka go’day Itoobiya saandkii 1993, waxaana shan sano kaddib labadani waddan dhex maray dagaal ay ku naf waayeen 80,000 oo qof.