Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqey inay Hakiyeen duulimaadyada Rayidka ah ee soo aada Magaalooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Qoraal ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare lagu shaaciyey in Duulimaad gaar ah oo aan fasax heysan la ogolaan doonin in ay isticmaalaan garoomadda Diyaaradaha deegaannada Hirshabelle.
