Edin Hazard Iyo Thibaut Courtois Oo Weerar Culus Ku Qaaday Kaarto Ciyaareedkii France Iyo Garsoorihii Kulankii Xalay

Wixii ka dambeeyey goolkii France ee yimi daqiiqaddii 50-aad, Les Blue waxa ay ku tiitsanaayeen xawaarihii Kylian Mbappe lamana kulmin halis iyada taas uga mahadcelineysaa dafacyadeeda adkaa ee  uu Raphael  Varane hoggaaminayey halka Hazard uu aamusiiyey N’Golo Kante.

“Waxaan jeclahahay haddii aan guuldarro qaadanayo in aan Belgium-tan ku qaato marka la bar bar dhigi Fracnce-daas,” ayuu ciyaarta kaddib Hazard yiri.

Aragtidaas waxaa la qabay  goolwalaha Belgium Thibaut Courtois: “France waxa ay ciyaarta cagsiga kubadda cagta.

“Waligey ma arkin weeraryahan sidaas uga fogaa goolka, xaq ayey  u leeyihiin sidaas in ay u ciyaaraan,,,,laakiin ma wacna.

‘Kaliya ma aha kaartadii France, laakiin xataa garsoraha wax wanaagsan ma sameyn.”

France oo markii ugu horreeysay gaartay Fiinaalaha koobka aduunka tan iyo 2006 ayaa sugeysa midkood England ama Croatia