Eheladda Askari ay dileen ciidamadda AMISOM oo baaq u diray dowlada somaaliya

Kadib markii qaraxyo iyo weerar toos ah xalay fiidkii ururka Al-shabaab ay ku soo qaadeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka baraha Kontoroolada ee Ciidamada ay joogaan.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa Ciidamada ku amray in ay adkeeyaan ammaanka goobaha baarista ee ay joogaan, si aanay u dhicin Arbushaad kale, iyada oo baraha Kontorool ee qaar lagu kordhiyay Ciidamo kale.

Kolonyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay isku dayay in ay maraan barta Kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka, waxaana is hor istaag ku sameeyay Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsuggida Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa toogtay Askarigii, halkaasi ku sugnaa, maadaama uu u sheegay in wadda Amnigeeda la adkeeyay.

Qaar ka mid ah Eheladda Askariga ay dileen ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in caddaaladda la horkeeno Askartii ciidamada AMISOM ee falkaasi ka dambeeyay.

Ma,ahan markii ugu horeysay oo ciidmada AMISOM ay sibareer ah udilaan askarta katirsan ciidmada dowlada iyo dadka shacabka ah oo an waxba galabsan.

Laamaha amanka dowlada soomaliya  weli kama aysan hadlin dhacdadan lamana oga waxa ay kayeeli donaan.