Ergeyga Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan hordhac ah kula qaadatay Safiirka dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta Ahmed Juma Al-Rumaythi. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa taageero dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo oo loo fidiyo Soomaaliya, ka hor warbixinteeda soo socota ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey , kaasoo Imaaraadku uu hayo xilka madaxtinimada bisha Juun.
