Ernesto Valverde Oo Wali Ku Adkaysanaya In Loolanka Horyaalka La Liga Uusan Soo Idlaanin, Muxuuse Ka Yidhi Xidigaha Gerard Piqué Iyo André Gomes?.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay sida ay ugu dhibtoodeen kulankii ay Camp Nou kula ciyaareen kooxda Atletico Madrid ee horyaalka La Liga dalka Spain, isagoo ku adkeystay in wali loolanka La Liga uusan soo idlaanin.

Barcelona ayaa guul dahabi ah Camp Nou kaga gaadhay kooxda ay koobka horyaalka La Liga ku xifiltamayaan ee Atletico Madrid iyada oo Lionel Messi uu kulankan ku go’aamiyay goolka qura ee ka dhashay kadib markii uu ku dhaliyay laaga xorta ah.

 

Ernesto Valverde ayaa kadib marka uu kulanka soo idlaaday la hadlay saxaafada wuxuuna u sheegay: “Ma uusan ahayn kulan lagu go’aaminayay horyaalka La Liga, laakiin wuxuu ahaa muhiim, wuxuu haatan farqiga noqday ilaa iyo 8 dhibcood, halka uu ka noqon lahaa 2 dhibcood, guushaani waxay na siisay talaabo aan horay u qaadnay waxaana weli jira kulamo badan oo la ciyaari doono”.

Ernesto Valverde ayaa muujiyay sida natiijadii kulankii Atltico Madrid ay u ahayd mid fiican laakiin waxa uu iska diiday in uu ka hadlo jadwalka mashquulka badan ee ay kooxdiisu ku ciyaarayso wuxuuna yidhi: “Natiijada uu kulanka kusoo dhmaaday waa mid aad u wanaagsan, mana jecli inaan ka hadlo jadwalka mashquulka badan”.

Valverde oo ka hadlayay André Gomes ayaa wuxuu yidhi: “Ka hadlida André Gomes, kama dalban doono jamaahiirta inay garab istaag u sameeyaan, sababtoo ah taageerayaasha waxay xaq u leeyihiin in ciyaartoyda ay kala door bidaan, ciyaartoygu waa inuu kalsooni ku qabaa naftiisa, isla markaana uu soo bandhigaa wax walba ee awoodiisu tahay kulamada soo aadan”.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay xaalada Gerard Piqué wuxuuna yidhi: “Piqué wuxuu qabaa dhaawac fudud, maahan mid halis ah, laakiin wuu ciyaari karaa, Waxaan u baahanahay 2-3 todobaad si aan u nasino laakiin ma heysano waqtigaas”.