Dowladda Eswatini oo ku taalla koonfurta qaaradda Afrika ayaa 32 sarkaal oo booliis ah ku biirisay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, sida ay baahisay warbaahinta dalkaas. Saraakiishan ayaa dhammaystay tababar la xiriira shuruucda iyo anshaxa askarta nabad ilaalinta, gaar ahaan ku dhaqanka xeerarka dalka ay ka howlgeli doonaan iyo waxyaabaha laga reebay askarta.
Saraakiishan ayaa noqonaya kooxdii ugu dambeysay ee ku biirta howlgalka AUSSOM, waxaana ay la shaqayn doonaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyaga oo ka caawin doona tababarka iyo howlgallada la xiriira sugidda amniga.
Eswatini ayaa noqotay dalkii toddobaad ee booliiskeeda qeyb ka noqda AUSSOM, iyadoo ka dambeysa dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia. Ku biirista Eswatini ee howlgalka ayaa qeyb ka ah qorshe lagu dhimayo ku tiirsanaanta ciidamada milateriga ee AUSSOM, loogana golleeyahay in la kordhiyo kaalinta booliiska.
Eswatini oo hore loogu yaqiinay Swaziland, waxay xuduud la leedahay Koonfur Afrika, iyadoo tirada dadka ku nool ay gaarayaan 1.2 milyan, sida ku xusan daraasad uu Bangiga Adduunka sameeyay sanadkii 2024. Tiradan ayaa ka yar dadka ku nool gobolka Banaadir oo la sheegay inay ka badan yihiin 3 milyan oo qof.