Ethiopia Oo Danjire U Magacowday Dalka Eritrea.

Wakaalladda Wararka FANA ee taabacsan Dowladda Ethiopia waxay maanta shaacisay in la magacaabay Danjirihii ugu horreeyey ee Ethiopia u fadhiisan doona dalka Eritrea.

Danjirihii Ethiopia u joogi jirey dalka Ireland, Ridwaan Xuseen ayaa noqon doona Danjirihii ugu horreeyey ee Ethiopia u joogi doona Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Ambassador Ridwaan Xuseen oo 47-jir waxa uu ka soo jeedaa Qowmiyadda Koonfureed ee Ethiopia, waxaana dadka deggan Deegaanadaasi loo yaqaanaa Silt’e

Dhinaca kale, Tallaabadan ayaa muujinaysa sida uu u hagaagayo Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea oo iyagu dhex maray dagaal lagu hoobtay muddo haatan laga joogo 20-sanno, iyadoo ay in ka badan 80,000 oo qof lagu dilay Iska horimaadkaasi oo socday sannadihii 1998-dii ilaa 2000.

Shalay ayey Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines bilwoday Duullimaadka tooska ee Eritrea, waxayna arrintan timid, iyadoo  Madaxweynaha Eritrea, Issias Efewerki  iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed kala saxiixdeen Heshiis Nabadayn, waxayna Labadooda 2-jeer ku wada kulmeen caasimadaha dalalkooda ee Asmara iyo Addis Abeba.