Faaah faahin dheeraad ah oo kasoo bexeysa Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Muqdisho-GNN FM-
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Waaber ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Horseed.

Gaariga Qarxay oo nuuciisa uu ahaa SPACIO ayaa waxa uu 04:30 galabnimo ku qarxay xaafadda Via Liberia gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Maleyka.

Nooca Qaraxan ayaa la sheegay inuu yahay midka dhajiska ah ee Baabuurta lagu xiro, kaasi oo inta badan lagu xiro Baabuurta ay wataan shaqsiyaadka Dowladda Federaalka ka tirsan ee Magaalada dhex jooga.

Maamulka degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa warfidiyenka u sheegay in Gaariga Qarxay uu lahaa Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka, xilliga uu Qaraxa dhacayayna uusan saarneyn.

Hay’adaha Ammaanka oo laftirkooda tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano la xiriira falkan, waxayna sheegeen in aysan jirin cid wax ku noqotay Qaraxan, marka laga reebo gaariga oo burbur uu soo gaaray.

Warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in waxyeelo aan buurneyn uu ka soo gaaray qof shacab ah oo xilliga uu Qaraxa dhacayay Aaggaasi ka akdhowaa, kaasi oo durbadiiba goobta lugihiisa uga tagay, maadaama dhaawaca soo gaaray uu koobnaa.

Inta badan qaraxyada nuucaan oo kale ah ee dhajiska loo yaqaano, ayaa xoogaga ururka Al-Shabaab waxa ay ku xiraan gaadiidka ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya u shaqeeya.